Maanta 18 june waa Maalinta aabayaasha Aduunka

in Somali communitylast year

Maanta 18 june waa Maalinta aabayaasha Aduunka.

Waxaan Rabaa idinla Wadaago Intaan Aabayaal Somaliyed arkayey Midkii aan is leeyahay Waa ugu wanaagsanaa 👏
Magiicisa waa Raange Nuur Barre waa Aabe Kunool Deegaanada Puntland
Caruurtiisa Hooyadood waxay Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Magaalada Bosaso sanadkii 2013 iyadoo Wakhtigaas Suuqa Adeeg udoonatay alle ha unaxariistee.

Raange waa Aabe Koriya Afar Caruur ah Laba Gabdhood iyo laba Wiil. Waa Aabe aan Caruurtiisa Cid Kale Ku Hallayn ee isagu Gacantiisa ku koriya.

Waa Aabe Mar Kasta Ka Warqaba Dareenka ilmihiisa isagoo Geeya Dalxiisyo , Dhar qurxoon ayuu Mar Kasta ilmihiisa ugu Labisaa , Maqaaxiyaha waaweyn ayuu ilmihiisa Cunto ugeeyaa waa Aabe Mucjiso u ah oo uqalma in lagu ixtiraamo Wanaagiisa

Waxyaabaha kale ee isoo Jiitay waxaa Kamid ah in uu Jimce walba Booqdo Qabriga Sowjadiisa isagoo ku Beeray geed mar kastana waraabiya quraana ku akhriya.
Aabe Raange alle Ha barakeeyo isaga iyo Caruuriisa waa Tusaale Wanaagsan. ❤
1687108134251.jpg

1687108131455.jpg

1687108128179.jpg

1687108124799.jpg

Coin Marketplace

STEEM 0.19
TRX 0.11
JST 0.027
BTC 64720.87
ETH 3409.22
USDT 1.00
SBD 2.32