Sheeko shaax macaan

in Somali community11 months ago (edited)

Waa sheeko ciyaalnimadii dhex martay ninkii la odhan jiray Mohamed ( Madax yar ) iyo ciyaalka xaafada ee saylada. 😀

Mohamed madax-yar wuxuu ahaa nin maskax ahaan u xanuusanaya lkn aad u xigmad badan oo caan ka ahaa xafada saylada ee magaalada hargeisa, maalin maalma ka mid ah iyada oo dayrkii xaaji lacag doon Alle swt ha u naxariiste ay joogaan ciyaalkii xafadu ayaa waxa shaah u kariyay madax-yar. Markii shaahi karay ayuu qof wal oo yar-yarkii ka mid ah meel ugu shubay shaahii.

Madax yar ayaa ciyaalkii ku yidhi shaahu ma macaanyay ? Dhamaan ciyaalkii xafada ayaa la soo booday haa madax-yareey shaah macaan ayaad karisay, iyaga oo is leh isaga ku qanciya inuu macaan yahay oo dee waxay islahayeen hadaad tidhaadan madax-yareey shaahu waa qadhaadh budh ayuu idinla dhici, mar kaliya ayuunbu ninkii madax-yar la soo booday qaracyay shaaha intii macaanayd ee sonkorta lahayd idinkaan idiin shubay oo aniga shaah qadhaadh ayaa ii hadhay.

Ciyaalkii xaafada yaa haya, midba meelbu ka dhacay, sheekada waxa iiga sheekeyay Guleed Maxamed ( haashi ) oo malinka ka mid ahaa ciyaalka xaafada ee goobta joogay. Madax-yar wakhti dheer ka hor ayaa igu danbaysay hadu noolyay Alle swt mirkiisa ha u soo celiyo, hadu dhintayna Alle swt ha u naxariisto legend xikmad badan ayuu ahaa.

Yaa war ka haya, halka uu ku danbeeyay Maxamed madax-yar ?
1691012586804.jpg

Sort:  
 11 months ago 

Greetings to all the members of this community, I'm new here please what is all about.

Welcome to the Somali community, we are waiting for you to join us

 11 months ago 

I'm in support of the community, soon I will start posting my content here.

Coin Marketplace

STEEM 0.23
TRX 0.12
JST 0.029
BTC 66161.45
ETH 3566.85
USDT 1.00
SBD 3.11