Bandhiga buugi wataatar qoraa maxamed cali

in Somali community11 months ago

--BANDHIGA BUUGII WATAATAR Maxamed Cali--

Marxabayn,muxibo iyo mabsuud ayay noogu hibo-furmatay madashii bandhiga buuga Wataatar Maxamed-Cali.
Masuuliyiintii , madaxdii , mujaahidiintii iyo murtiyahanadii ayaa hadalkii iska daba-qaatay oo isaga danbeeyay ,gorfeeyayna taariikhdi iyo sooyaalki halgan ee halgamaa Maxamed-Cali.
Maad iyo murti ayuu nagu madadaaliyay Qoraagi buuga ee Saahid Dannood, asagoo ay kasoo burqatay aftahanimadii eebe ku manaystay.
Farxad uu muusood noo dheeryahay ayaa na maasheysay idil ahaantayaba.
Hase ahaate Hal aan hubo oo aanu ka mideysnayn dhamaantayo inta madasha martida ku ahayd,ayaa ahaa in ruux kasta oo naga mida ay muhiim u ahayd jeerka lana uu danaynayay in ay sii durugto amminta lasoo afmeerayo madasha bandhiga buuga Maxamed-cali.
Kasakow in barbilowgii madasha , barxada ambaasadoor huteel ahayd mid ilyaru isqabatay, shayga kor loo tuuraanah uu ku dhacayay ruux madaxi, jeerkalenah shamuumka dadka aad malaynaysay shini malab samaynaysa,Hadana gunaanadkii bandhiga dadyawgii kala jaadka ahaa ee madasha martida ku ahaa ,
Ayagoo u riyaaqsan bandhiga,qalbiyadoodana farxad iyo furfurnaani buuxdhaafisay, muusood na udheeryahay ayay sii luudeen , madashiina ka huleeleen.
Guuleed ahaan kolkaan ammintii kala hayaanka fiirshay Cagajiidki martida, waxay iila muuqdeen kuwa danaynayay ku nagaanshaha bandhiga , inkabadan intay tamaniyayeen ku laabashada hoygoodi.
Gunaandkii Gobonimo ayay Noogu Idlaatay Madashaasi.

https://steemit.com/trending/hive-185961
1689285099515.jpg

Coin Marketplace

STEEM 0.23
TRX 0.12
JST 0.029
BTC 66120.88
ETH 3555.65
USDT 1.00
SBD 3.12