Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo soo badbaadiyay Nin Bullaacadi la duntay

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo soo badbaadiyay Nin Bullaacadi la duntay.

#Hargeysa Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay degmada 26 June nooca badbaadadaas oo ahayd Nin Bullaacad uu ka shaqaynayay ku dhacay lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.
https://www.google.com/search?q=english+to+somali&oq=eng&aqs=chrome.0.69i59j69i60j69i57j69i60l3j0i512j69i60j46i199i465i512j0i67i650.1629j0j4&client=ms-android-samsung-ss&sourceid=chrome-mobile&ie=UTF-8
Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay ninkaa ka soo saaraan godka isagoo badqaba.

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, maadaama oo dhaawac soo gaadhay ninkaa.

Ninkan godka ku dhacay ayaa ka soo jeeday qoomiyada Oromada ee waddanka Itoobiya.

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaadada waxaana ciidanku ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.

Allah Mahad leh.

Warbaahinta CDQ
990- Gurmadka degdega ah
Kusoo biir #somee social
https://somee.social/Fersonjase

Blurt__ https://blurt.blog/@fersonj

1686209682536.jpg

1686209678894.jpg

1686209674312.jpg

Coin Marketplace

STEEM 0.19
TRX 0.14
JST 0.030
BTC 62668.27
ETH 3332.07
USDT 1.00
SBD 2.46